TOP News: Wararkii Ugu dambeeyey ee Xariga Maamule Cali Xasan oo wali Xiran iyo Indhakoreey oo uu u xiranyahay.

Wararkii ugu dambeeyey ee la xiriira Xariga Maamulihii shirkadda isgaarsiinta hormuud laanteeda degmada Baledxaawo ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay socdaan dadaalada lagu soo deynaayo masuulkaasi, shalay ay ciidanka sida gaar ah u tababaran ee dowladda ay ka kaxeeyeen hotel uu muqdisho ka daganaa.

Maamule Cali Xasan oo ah Maamulaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud Xarunteeda degmada baledxaawo ayaa warar la xaqiijiyay waxa ay sheegayaan in lagu soo xiray waraaq uu wasiir kuxigeenka arimaha gudaha ee jubba cabdirashiid indhakoreey, uu usoo diray hay’adaha amaanka ee dowladda fderaalka.

Indhakoreey ayaa ku haysta cali xasan in uu ka horyimid gabood falada uu kawado waqooyiga gobolka oo uu ku laayay dad badan oo rayid ah oo kasoo jeeda Beesha sade kuwaas oo uu ugu duurxulay dilkooda in ay ka horyimaadeen.

sidoo kale indhakoreey ayaa horay uga codsaday maamule cali xasan in uu ku garabsiiyo falalkaasi guracan ee uu ka sameeyey gobolka Gedo Mudadii uu ahaa gudoomiyaha degmada doolwo iyo hadda oo uu yahay sii hayaha xilka wasiir kuxigeenka arimaha gudaha ee maamulka jubba, inkaastoo uu ka horyimid soojeedintaasi maamule cali xasan oo ah nin wadaad ah qadiyadne leh.

Qorshaha cali xasan lagu soo weeraray hotelkii uu ka daganaa muqdisho ayaa markii hore ahaa in la khaarijiyo, iyadoo ujeedadune ay aheyd in indhakoreey uu iska fogeeyo dilka masuulakani uuna ugu duurxulo in lagu dilay meel ka baxsan Gobolka, si dhiigiisa meel loo raacdo loo waayo, waxaase fashilmay qorshahaasi kadib markii cali xasan laga soo dhexwaday Masuulyiiin badan oo marqaati ka noqonlahaa falkastaa oo halkaasi ka dhaca arintaasi oo sababtay in xabsiga lageeyo, laguna wargaliyay in uu soo xirtay cabdirashiid indhakorey oo fal argagagixisanimo ku soo eedeyey.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.