Qarax Ciidamada AMISOM Lagula eegtay Magaalada Kismaayo

Qarax Khasaaro sababay ayaa Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaaro ay kala kulmeen Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah Kolonyo Ciidamada AMISOM ay wateen uu ku basbeelay qaraxa.

Sidoo kale Goob Joogayaasha aya sheegay in indhahoodu ay qabanayeen tiro Askar ah oo laga qaadayo goobta kuwaas oo qaraxa wax ku noqday.

Ma cadda xaddiga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi xaddiga uu gaarsiisanyahay hayeeshee wixii ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa haddii allaha awooda leh uu ka raali noqdo.




This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.