Mamulka Ceel buur : Waxaan Dilnay Sarkaal Al- Shabab ah

Dagaalkani oo ahaa mid qasaare gaystay ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ciidamada dowlada iyo xarakada al shabaab ku dhexmaray deegaano hoos taga degmada ceel buur ee gobalka galgaduud sida ilo wareedyo ku sugan halkaasi ay u xaqiijiyeen idaacada shabeele.

Cabdi xasan maxamed biyo quute oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan degmada ceel buur ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada dowlada ka sameeyeen howl galo ka dhan xarakada al shabaab isla markaana ay guulo ka gaareen sida uu  hadalka u dhigay.

Sarkaal biyo quute ayaa tilmaamay in ciidamada dowlada u suura gashay intii ay howl galada wadeen in ay guul ka gaareen kuna qabsadeen deegaano hoosta magaalada ceel buur sida warmooley,oodweyn,iyo kuwo kale.

sidoo kalena ay ku dileen sarkaal al shabaab u qaabilsanaa sakawaadka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa kadib iska hor imaadyo dhex maray iyaga iyo  al shabaab intii ay howl galka ku guda jireen dhinacooduna uu hal askari kaga dhaawacmay sida uu yiri biyo quute

Magaalada ceel buur ee gobalka galgaduud ee bartamaha Somalia ayaa deegaano hoos taga waxaa mudooyinkii dambe maamulayey dagaal yahano ka tirsan xarakada al shabaab,inkastoo saraakiisha ciidamada dowlada eek u sugan magaaladaasi ay sheegayaan in qaar ka mid ah deeganadaasi ay la wareegeen gacan ku hayntooda

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.