Kulan Baroor Diiq ah oo Muqdisho logu Qabtay Cabdi Xaaji Goobdoon

Kulankan oo ahaa mid lagu xusayey allahaa unaxariistee rug cadaa saxaafadeed cabdi xaaji goobdoon iyo abwaan cali sugule duncarbeed ayna ka qayb galeen mas,uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia ayaa maanta ka dhacday xarunta akadeemiiyada fanka iyo suugaanta ee magaalada muqdisho.
Xuskaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa madasha waxaa laga soo jeediyey taariikh nololeedka labada marxuub iyo waxqabadkoodi intii ay noolaayeen.
Wasiirka wasaarada waxbarashada ee xukuumada federaalka ah ee Somalia marwo khadro bashiir cali ayaa ku tilmaamtay labada marxuub halyeeyo u soo halgamay dalka Somalia iyadoona sheegtay in taariikhda ay xusi doonto cabdi xaaji goobdoon iyo abwaan cali sugule.
Abwaan cali sugule ayaa lagu xasuustaa inuu door weyn ka soo qaatay soo nooleyntii afka somaliga iyo waliba suugaan ka turjumeysi xilligii gobanimadoonka Somalia,sidoo kale cabdi xaaji goobdoon oo ahaa rug cadaa saxaafadeed ayaa isagana lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa tiirarki saxaafada Somalia,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.