War degdeg ah: Maamule Cali Xasan oo la xiray Iyo Dadaalo lagu soo deynaayo oo socda. ” Faafaahin”

Maamulaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Xarunteeda Degmada Baledxaawo aya caawa ku hoyanaya xabsi kuyaala garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii galabta hotel uu Muqdisho ka daganaa ay kasoo qabteen ciidanka Dowladda ee sida gaar ah u tababaran.

Maamula Cali Xasan oo ah Maamulaha Hormuud laanteeda Degmada Baledxaawo Ayaa la xiray kadib markii Ciidamada ay kasoo kaxeeyeen hotel uu Muqdisho ka daganaa oo uu fasax shaqo u joogo.

Xarigiisa Ayaa warar horu dhac ah ay sheegayaan in uu ka dambeeyo wasiir Kuxigeenka Amniga ee Maamulka Jubba Cabdirashiid indhakorey,sida ay gedotimes News u xaqiijiyeen Qaar kamid ah ehelada Mudane Cali Xasan oo aan xiriir la sameynay.

Xildhibaano Iyo siyaasiyiin ka soojeeda beesha Sade Ayaa durba dadaal u galay soo deynta Maamule Cali Xasan iyadoo ilaa Iyo hadda ay socdaan dadaalada lagu soo deynaayo.

Faafaahinta soo deynta Iyo asbaabaha loo xirayba wararkeena dambe ayaan idin kugu soo gudbin doonaa insha Allah.

Gedo Times News
Muqdisho Soomaaliya.

1 Comment

  1. a s c ano ah faysal ali sahal o jogo dalka south africo waxaan halkan ka cadeynayaa in masulkas ali hassan lagu heysto waxaan jirin o ay xireen koxo dhil lasiyey intaas kadib hadan nahay dhalinyarada gobalka gedo kuwa dalka jogo iyo kuwa qurbaha jogabo waxaan cambareyneynaa cidi falkas fosha xun ka danbeysey waxaan kalo codsaneynaa in masulka laso dayo o u xoriyadisi shaqo dib u helo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.