Xil Magan: “Axmed Madoobe waa shakhsi Kusoo caana Maalay Jamhadeyn, doonayana in waligood Qas Iyo jahawareer Aysan ka bixin ree Jubaland”.

Siyaasiyiin Iyo waxgarad mucaaradsanaa Maamulka Axmed Madoobe Ayaa sicad u sheegay in ay gabi ahaanba qaadaceen wan waan ay beesha Caalamka ka dhex waday iyaga Iyo Maamulka Jubba.

Masuuliyiintani oo u diyaarsana in maalin kahor ay Kismaayo kaga qeybgalaan shir dib u heshiisiineed oo loo qaban Lahaa Beelaha Sade Iyo Absame Ayaa gabi ahaanba qaadacay in ay Kismaayo aadaan sababo la xiriira in Axmed Madoobe uusanba u diyaarsaenyn qaadashada Heshiis Iyo nabad ka dhalata Jubaland .

Waxay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in beesha Caalamka ay daawadaan habdhaqanka guracan ee uu Jubaland kawado Axmed Madoobe, iyagoo hoosta ka xariiqay in dhinacooda ay diyaar yihiin in Maamulkaasi uusan caga dhigan inta biseyl siyaasadeed uu la imaanaayo Hogaamiyaha Maamulkaasi.

Axmed Madoobe oo caadeystay iska horkeenidda beesha Sade Ayaa iminka aad u wado qorshe ah in uu dhalanteed ahaan ka dhigo siyaasiyiintii Iyo masuuliyiintii beesha Sade ee Maamulkiisa ka tirsaneyd in miiska wada hadalka ay Sade ku matalaan iyaga, isagoo ka duulaya in isla xisaabtan Iyo awood qeybsiga ay doonayaan siyaasiyiinta iminka qaadacay ka qeybgal ka shirkaasi uu hor fariisto.

“Horayba waan u ogeyn in Axmed Madoobe uusan waligii daacad ka Noqon doonin nabad Iyo xasilooni ka Hana qaada Jubaland, Waana shakhsi doonaya ku shaqeysashada jabhadeyn uu horay ugu soo caana maalay” sidaasi waxaa gedotimes u sheegay Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Magan.

Sikastaba ha ahaatee waa guuldaro siyaasadeed horleh oo soo wajahday ree Jubaland sababta fashilkane masuuliyadeeda uu leeyahay Axmed amdoobe oo istusiyay la heshiinta siyaasiyiinta diidan Maamulkiisa in ay isaga dhabar jab ku tahay,taasine waxay Marag ka yahay in Sheekh Madoobe uusan doonayn in ree Jubaland ay ka baxaan qaska Iyo jawahawareerka ay ku jireen sanadihii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.