Xildhibaan Khadiija ilakacas: “Madaxweynaha Isaga Xitaa waa in kabaha uu siibaa si loo baaro”.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si adag u naqdisay qorshaha cusub ee Madaxweynaha Somaliya uu ku doonaayo in lagu baaro Xildhibaanada, marka ay ka dhoofayaan Garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa waxay ka hortimid in la baaro oo keliya Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Ciidamada, iyadoona su’aal ka keentay waxa baarista looga dhaafay Madaxda sar sar ee dalka.

“Madaxweynaha asaga muxuu isaga reebay in kabaha laga siibo? oo suunka laga furo oo laftirkiisaba la baaro, muxuu isaga reebay? oo Xildhibaanada, Wasiirada iyo Saraakiisha uu ugu koobay? Ayay tiri Khadiija Maxamed Diiriye.

Waxay kaloo tiri “Muxuu u dhihi waayay Ra’iisal Wasaarahana halaga furo suunka iyo kabaha? Oo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoonkaba u dhihi waayay hala baaro? Maxaa farta ku goday Xildhibaanada keliya.”

Iyadoo la hadleysay VOA, lana weydiiyay in Madaxweynuhu uu Baarlamaanka ka hor sheegay in dhinacyadaasi la baaraayo iyo in kale, ayaa waxay carabka ku adkeysay in Madaxweynuhu uu hortoodu ka sheegay qorshahiisa cusub.

“Hadalka saasuu u yiri, shalayna waxaa lagu fuliyay xubno ka tirsan Guddiga Gaadiidka. Xadgudubka dhacay dumarkii ka midka ahaa Xildhibaanada safraayay biimanka timahooda ku jira xataa waala baaraayay.” Ayay tiri Khadiija Maxamed.

Marwada Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa waxay hay’adaha amniga ay ugu yeertay in awaamiirta lagu soo kordhiyay suggida amniga, ay si deg deg ihi ku horkeenaan Baarlamaanka.

“Haddiiba ay dhacdadaasi jirto baarista rasmiga iyo xogta rasmiga ah, anagoo nafteena uga digeyna, nafta shacabkeenana uga digeyna ayaan ku dalbaneynaa laamaha ammaanka iyo Wasiirada ay khuseyso in deg deg loo horkeeno Golaha Shacabka.” Ayay tiri Khadiija Maxamed Diiriye.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axadii hortagey Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku wargeliyay in Dowladdu ay wado qorshe ay wax kaga qabaneyso ammaanka.

Xildhibaanada, ayaa waxay qaarkood u muuqdaan inay ka caroodeen hadalka Madaxweynaha, waxayna billaabeen inay cadaadis saaraan Madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.