Degdeg: Maxamuud Sayid iyo awlibaax oo Kismaayo u duulay kana qeyb galaya shir halkaasi ka furmaya.

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ku wajahan SIyaasiinyta kala ah Maxamuud Sayid aadan iyo sheekh maxamed Awlibaax, kuwaa so kismaayo u tagaya ka qeybgalka shir halkaasi ka furmaya.

Maxamuud sayid oo wareysi gaar ah siinayay Kismaayo24 ayaa sheegay in ay kismaayo u aadayaan ka qeybgalka shirka wadahadalka Siyaadsiinyta Jubaland oo uu sheegay in uu halkaasi ka furmayo Maanta.

Waxaase shirkaasi ka qeybgalkiisa isaga baaqsaday Siyaasiyiin kale oo kamid ahaa mucaaradka Maamulka Jubba, kuwaas oo ay kamid yihiin Korneyl Barre Hiiraale, Xildhibaan magan , Siyaasiga Goonjeex iyo Janaraal Cali Madoobe.

Lama oga in Khilaaf jiro Dartii ay uga baaqsadeen siyaasiyiintani kulanka kismaayo ka furmaya, sidoo kale masuulyiinita kismaayo aadaya maanta waa ay ka gaabsadeen ion ay ka hadlaan sababta ragii ay isku ologta ahaayeen ay uga baaqsadeen aaditaanka Magaalada Kismaayo.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha allah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.