TOP: Baarlamaanka oo lagu fuliyay Amarkii Madaxweynaha iyo Xildhibaano aad loo bahdilay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si fool xun loogu bahdilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xilli ay ka dhoofayeen maalintii shalay.

Xildhibaanadan oo u socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa baaritaan culus oo xitaa Kabaha looga bixiyay lagu sameeyay, iyadoo lagu tilmaamay baaritaankii ugu adkaa ee madaxda Soomaalida lagu qaado.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn laga xiray qeybta VIP-da oo caadiyan ay ka dhoofi jireen, waxaana la marsiiyay qeybta dadka caadiga ah iyadoo qaarkood oo ku dooday inay madax yihiin oo baaritaan caadi ah ay maraan laga diiday, laguna qasbay inay siibaan Kabaha, Suumanka, iyo wax waliba oo wataan.

Arrintan ayaa ka danbeysay shilkii Diyaaradda Daallo ee ka dhacay ee gudaha garoonka laga maleegay, waxayna arrintan ka careysiisay xildhibaanada oo qaarkood la arkayay iyagoo hadallo kulul ku hadlaya.

Dastuurka Somalia ayaa sharci darro ka dhigaya in xildhibaanka la baaro oogadiisa iyo gurigiisa, waxayna arrinta ka dhacday garoonka Aadan Cadde noqoneysaa xadgudub sharci, inkastoo ay ogolaayeen baaritaanka xaalada jirta awgeed, haddana wixii lagu sameeyay xildhibaanada shalay dhoofay waxay ahayd arrin dad badan ka yaabisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.