TOP News: Maamulka Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish airlines ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ay u joojiyeen duulimaadkoodii Muqdisho.

turkey

Afhayeen u hadlay sirkadda Turkish Air ayaa warbaahinta ka qanciyay tuhunka la xiriira sababaha ay uga baaqsadeen duulimaadyadii ay ku imaan jiireen magaalada Muqdisho iyo in ay bal wax ka ogaayeen weerarkii qaraxa ee lala beegsaday diyaaradda Daallo Airlines.

Afhayeen Yahya Ustun oo idaacadda VOA-da la hadlay ayaa sheegay in sababaha ay uga baaqsadeen duulimaadyadii Muqdisho ay la xiriirto arrimo cimilo xilli Muqdisho ay iyo qeybo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan dabeylo xoogga.

Su`aasha ah qarixii diyaaradda Daallo ayuu afhayeenka ka gaabsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.