Degdeg: Shir Goordhaw Garowe uga Furmaya Madaxda Puntland iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Waxaa Maanta mar kale Garoowe dib uga bilaabanaya kulmada looga hadlayo arrimaha 4.5 kuwaas oo Beesha caalamka ay doonayso inay puntland ku qanciso in Puntland ay ku qaadato go’aamada kasoo baxay shirkii Muqdisho kaas oo dhigayay in aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu dhiso 4.5.

Warar hordhac ah oo Gedotimescom ka helayo Garoowe ayaa sheegaya in Dhinacyada beesha caalamka arki doonaan maanta Siyaasiyiinta iyo golayaasha Dawladda Puntland, waxaana shirarkaan ay imaanayaan xili shirkii ugu waynaa ee Bulshada rayidkaa ay la qaateen uu ku dhammaaday in Puntland aysan go’aankeeda ka tanaasulayn.

Warar Madax banaan ayaa sheegaya in maanta Garoowe ay imaanayaan danjirayaal kale oo ka socda beesha caalamka gaar ahaana wadamada daneeya Arrimaha Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay dadaalka ku biiraan.

Puntland ayaa wali ku dhigan go’aankeeda diidmada Shirka Muqdisho natiijadii kasoo baxday kaas oo si wada jira looga diiday Puntland iyo inta badan Gobolada Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.