Dhageyso: Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeymo xoogan ka fuliyay Duleedka Kismaayo

Wararka laga helayo Magaalasa Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kenya ay duqeymo xoogan ka fuliyeen baro la sheegay in Al Shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo.

Dadka Degaanka qaarkood  ayaa sheegay in ay maqleen daryanka gantaalo xoogan oo Diyaaradahaasi Dagaalka ay ku garaacayeen Degaanka Berxaani oo 60Km u jirta Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntaasi ay ka dhalatay khasaaro kala duwan inkastoo aan weli rasmi ah loo  ogeyn maadaama Weerarkaasi xagga cirka ahaa uu halkaasi ka dhacay Xalay.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe uu ku dhawaaqay in ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.