Al-shabaab oo 40 jir Soomaali ah oo Kufsi ku eedeysan ku filayay Xukun . “Cajiib”

Ururka Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe Fagaare ku yaallo Deegaanka Buulofulaay ee Gobolka Baay waxa ay xukun kula fuliyeen nin lagu eedeeyay inuu kufsaday Haweenay da’deeda lagu sheegay 62 sano jir.

Ninkaan oo lagu magacaabo Ibaarhin Maxamed Aadan, ayaa waxaa soo dacweeyay Haweenay lagu magacaabo Xabiibo Cali Wardheere oo maxkamada ay ku sheegtay da’deeda 62 sano jir.

Xabiibo ayaa Maxkamada Shabaabka ee Gobolka Baay, waxa ay u sheegtay Ibraahin inuu xoog ku kufsaday, sidaasi awgeedna ay doonayso in sharciga loo marsiiyo.

Ciidamada Shabaabka ayaa soo qabtay Ibraahin Maxamed Aadan, waxaana ay horkeeneen Maxkamada si loogu qaado eedeymaha lagu soo dacweystay.

Qaadiga Maxkamada Shabaabka ayaa sheegay in Ibraahin uu qirtay eedeymaha loo soo jeediyay ee ku aadan inuu kufsaday Haweenaydaasi, inkastoo Qiraal cad aanan laga hayn Ibraahin ka sokoow in Qaadiga uu sidaasi sheegay.

Qaadiga Maxkamada wuxuu sheegay Ibraahin inuu horay u soo maray Meher kaliya, sidaasi awgeed xukunkiisa uu noqday in lagu dhufto 100 Karbaash ah, hal sano oo Musaafuris ah iyo inuu bixiyo Qaalin lo’ ah oo saddex sano jir ah oo u dhiganta Meherka Haweenayda sheegatay in la kufsaday.

Xukunada Shabaabka ay fuliyaan ayaa ah inta badan mid hal dhinac ah, maadaama dadka la xukumaayo aanan la siinin fursado ay isku difaacaan, balse ay sugaan kaliya nooca uu noqon doono xukunka Shabaabka ay u go’aamiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.