Shir looga hadlayay Xaalada Dalka Soomaaliya iyo Howlgalka AMISOM oo ka dhacay Dalka Kenya

Shirkan oo looga hadlayay Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxuu ka dhacay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika ee Dalka Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa sheegay in baroor diiq yar ay u sameenayaan Askartii looga Dilay howlgalkooda ka socda Dalka Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira waxuu sidoo kale tilmaamay in horumaro la taaban karo laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Somalia tan iyo 2007-dii markii Magaalada Muqdisho ay yimaadeen Ciidamada AMISOM.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ugu dambeyn uu qeexay in ujeedka ay joogaan Soomaaliya ay tahay ciribtirka Xarakada Al Shabaab oo uu ku tilmaamay kuwa khatar ku ah amaanka iyo xasiloonida Dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.