Taliska Ciidamada Kenya oo sheegay in ay xoojinayaan la Dagaalanka Al Shabaab

Taliyaha Ciidamada Dowladda Kenya, Korneel Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in Ciidamadiisa qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay diyaar u yihiin sii wadida Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Korneel Emmanuel Chirchir ayaa waxuu sheegay in si ka duwan sidii hore ay ula Dagaalami doonaan Dagaal yahanada Dhaq dhaqaaq Al Shabaab, si buu yiri looga sifeeyo Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Qoysaska Askartii dhawaan lagu Dilay Weerarkii xooganaa ee Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa ka dalbaday Dowlada Kenya xoojinta Dagaalka ka dhanka Ururka Al Shabaab.

Sikastab, Dowladda Kenya ilaa iyo hada kama hadlin tirada rasmiga ee Weerarkaasi looga Dilay balse qoraal ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarkii Ceelcadde lagu Dilay bishii la soo dhaafay 100 Askari oo ka tirsanaa Xoogaga Dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.