Dowladda Soomaaliya oo Dad u xirtay Qaraxii Diyaaradda Daallo ee Magaalada Muqdisho

Isagoo ka hadlayay dhacdadii Diyaaradda Daallo, Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay labo Ruux u xireen Laabtoob la sheegay in lagu dhex qarxiyay Diyaaradda Daallo Xili ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Labadan Ruux ee la xiray islamarkaana lala xiriirinayo Qaraxii Diyaaraddasi ayaa la sheegay in ay qabatay Kaamirada qarsoon xili ay ku sugnaayeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Muuqaalkan oo ay soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka muuqday in Cabdullaahi Cabdisalaan Boorleex uu ahaa Shaqsigii ka dhacay Diyaarada islamarkaana watay Laabtaoobkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.