Dhageyso: DEG DEG: Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo markale la wareegay Magaalada Marka

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa goordhow kala wareegay Xarakada Al Shabaab gacan ku heynta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Afhayeenka dhanka amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Maxamuud Careysa oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Huwanta ay Saaka dib u qabsadeen Magaalada Marka.

Waxuu sheegay Afhayeenka Magaalada haatan ay ka socdaan howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amaanka ,isagoona sidoo kale xusay in halkaasi ay isaga baxeen Xarakada Al Shabaab.

Maalin ka hor ayee aheyd markii Al Shabaab ay qabsadeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen Magaaladaasi handana ay dib uga hulaaleen.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.