Dhageyso: M.weyne Xasan: Mas’uuliyiinta DFS yeysan u doodin Dad lala xiriirinayo Al Shabaab

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jumuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan Mus’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Nabadoono qaarkood oo u dooda ama ka daba taga markii la xiro Dad ka tirsan Al Shabaab, ka dibna la sii daayo, taasi oo uu ku sheegay in caqabad ay ku tahay Sugida Amaanka  sidaa darteed waxuu ka dhawaajiyey in la joojiyo Arintaasi

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ltilmaamay in uu amar ku siiyey Guddiyada Barlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya in ay san dhicin Dadka Shababka ah ee u xiran Dowlada in aan laga Daba tagi karin

Geesta Kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in markii meel amnigeeda la sugayo in lagama maarmaan ay tahay in ay bilaabaan Mus’uuliyiinta Dowlada si buu yiri tusaalle wanaagsan ugu noqoto Ummada Soomaaliyeed

Hadalkani ayaa  waxaa uu Madaxweynaha Dalka ku sheegay Khudbad Shalay uu ka hor jeediyey Mudunayaasha Barlaamaanka Soomaaliya

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.