Dhageyso: Xildhibaanno Mooshin Ka Gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta shir guddoominayay kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in tiro Xildhibaanno ah oo gaaraya 54 Xubnood ay u soo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa sidoo kale qeexay in Mooshinkaas maalmaha soo socda ay horkeeni doonaan golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Xildhibaan Max’ed Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qeybna ka ahaa tirada Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa ku micneeyay Mooshinkooda in Madaxweynaha uu baal maray Dastuurka dalka islamarkaana uu u gefay Xasaanada Xildhibaanada Soomaaliyeed sida uu yiri.

Mudane Max’ed Yuusuf ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Xildhibaanada maanta dhibaatooyin fara badan ay kala kulmeen Kontaroolada xarumaha dowladda Soomaaliya.

Shalay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed sheegay in loo baahan yahay in baaritaanno la marsiiyo cid kasta oo soo galeysa dhismaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Halkaan ka dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.