Dhageyso: Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Federaalka oo maanta Gaaray Hobyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaas Cabdikariin Xuseen Guuleed.

U jeedka Safarka Wasiirka ayaa ku qotonta sida wararka aynu Hobyo ka heleyno sheegayaan ka qeyb galka dhagax dhiga Dib u dayactirka dekedda Magaalada Hobyo iyo maamul loo sameynayo degmadaasi.

Wasiir Odawaa ayaa  kulamo la leh madaxda maamulka Galmudug ee ku sugan degmada Hobyo isagoona kala hadlaya sidoo kale arrimo kale ay ka mid yihiin wadahadallada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Halkaan Ka Dhgeyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.