Dhageyso: Al- Shabab Kuma Dagaalami Karaan Marko.

Gudddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh.Hoose, Ibraahin Cali Aadan Najax  ayaa faah faahin ka bixiyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Saaka la wareegay gacan ku heynta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hooose.

Guddoomiye Najax ayaa xusay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay si nabdoon kula wareegeen Magaalada islamarkaana ay fariisimo kala duwan ka sameysteen gudaha iyo daafaha Magaalada Marka.

Magaalo Xeebeeda Marka oo xarun u ah Gobolka Sh.Hoose ayaa  maalmihii la soo dhaafay waxaa gacanta ku hayan Xarakada Al Shabaab inkastoo maanta ay isga baxeen halkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.