Maxkamad ku taala Dalka Britain oo 11 Sanno oo xarig ah ku riday Muwaadin Soomaaliyeed

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo da’diisa lagu sheegay 33 jir, islamarkaana lagu magacaabo Mahad Aadan ayaa Maxkamad ku taala Dalka Britian waxey ku xukuntay 11 Sanno oo xarig ah kadib markii sida la sheegay lagu helay in uu Mindi ku dhaawacay Haweeney ku sugan Dalkaasi Britian.

Wakaalada Wararka ee Zegabi ayaa lagu daabacay in Weerarka Haweeneydaasi lagu dhaawacay uu dhacay 16-ka Bishii September  ee Sanadda  2013-kii kadib markii sida la sheegay uu xumaaday xiriir ka dhaxeeyay.

Dambiile Mahad Aadan ayaa falkaasi kadib waxuu u baxsaday Dalka Itoobiya halkaasi oo uu ku sugnaa ilaa iyo 2 Sanno balse waxaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow markii uu ku soo laabtay  Dalkasi Britain

Sikastaba, Maxkamada Coventry ee Dalkaasi Britain  ayaa qaadatay go’aankaasi lagu xukumay Mahad Aadan oo ah Muwaadin Soomaaliyeed waxaana Xaakimka Maxkamaadaasi uu sheegay in Mahad sidoo kale uu hanjabaado kula kacay Dadkii goobjooga u ahaa xiliga uu mindida ku dhaawacayay Haweeneydaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.