XOG:Natiijooyin Horudhac ah oo kasoo baxay kulankii ay Muqdisho ku yeesheen Siyaasiyiinta a Beesha Sade.

Iyadoo Muqdisho uu ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta beesha Sade ee Muqdisho ku sugan,Ayaan Ali natiijooyin kasoo bixin kulan ay shalay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan siyaasiyiintii mucaaradsanaa Maamulka Jubba ee uu hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe kuwaas oo ay kamid ahaayeen hogaamiye barre hiiraale, xildhibaan magan,janaraal Cali Madoobe, siyaasiga goonjeex, Maxamuud sayid, awlibaax Iyo Kaliil Ayaa looga hadlayay Qaabka ugu Macquulsan ee loo wajihi doono shirka toban ka bishani lagu wado In uu ka furmo Magaalada i.

Wali si rasmi ah la isugu ma waafaqin ajandayaasha kulanka Kismaayo looga qeybgalaayo,waxaase la isla qaatay in qadiyada Guud laga mideysnaado doodune Aysan ka bixin oo kaliya sidii loo soocelin Lahaa awoodii Sade ee Jubaland, Sida uu kismaayo24 u sheegay siyaasiga Maxamuud sayid aadan.

Dhinaca kale Maanta waxaa Muqdisho ka dhici doona kulan hareer socda kii shalay oo uu kasoo qeybgali doono Wasiirka gaashaandhiga janaraal diini kaas oo lagu sii amba qaadi doono ajandayaashii kulankii shalay looga hadlay sida uu markale k24 u xaqiijiyay siyaasiga maxmauud sayid aadan.

kulamadani Ayaa la filayaa kadib in loo ruqaansado Kismaayo oo uu ka dhici doono shir lagu heshiisiinaayo Beelaha Sade Iyo absame oo Jubaland ku Dagaalsanaa sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Wixii Kusoo Kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa insha Allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.