Degdeg: Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo oo ku dhaawacmay Qarax loogu Xiray gaarigiisa.

War goordhaweyd naga so gaaray Degmada Baardheere ayaa sheegay in Gudoomiye Kuxiogeenkii Gobolka gedo maxamed xuseen alqaadi uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu u socday Xafiiskiisa degmadaasi ku yaala.

Qaraxa oo ahaa mid gaariga loogu xiray gudoomiye xigeenka gobolkaasi mudane alqaadi ayaa aroornimadan saaka ah ka dhacay wado halbowla ah oo xiriirisa gudaha magaalada baardheere.

Goobjoogayaal la hadlay Kismaayo24 ayaa u xaqiijiyay in ay arkayeen uuro kabaxeysa gaariga alqaadi iyo isagoo dhaawac ah oo qar kamid ah ilaaladiisa ay ula carareen isbitaal ku yaala gudaha magaalada baardheere.

Darawalkii alqaadi ayey wararka qar sheegayaan in uu dhintay inkastoo warkaasi uusan aheyn mid xoogan.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.