TOP News: Dad badan oo u xirxiran qarixii ka dhacay Gudaha Diyaarada Daallo.

Xukuumadda Federalka Somaliya, ayaa shaaca ka qaaday in ka badam 20 ruux in loo xir xiray Qaraxii ka dhex dhacay Diyaarada Daallo Airline, talaadadii aynu soo dhaafnay, xilli Diyaarada ay ku sii jeeday Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya C/salaan Axmed Caato, ayaa u sheegay Idaacada VOA in Qaraxaasi loo soo xiray in ka badan 20 ruux oo lala xiriirinaayo inay wax ka ogaayeen, inkastoo uu sheegay weli baaritaanka inuu socdo.

Waxa uu sheegay Dowladda Somaliya inay soo bandhigtay Muuqaal ay duubtay Kaamirada CCTV ee ku dhagan Garoonka, waxaana Muuqaalkaasi laga dhex arkay labo nin oo mid ka mid ah uu xiran yahay dharka ay gashtaan Shaqaalaha Garoonka, kuwaasi oo Laptop u dhiibaya nin la sheegay inuu ahaa kii Diyaaarada Qaraxa ka geystay, kadibna dhacay.

Inkastoo Afhayeenka Xukuumadda C/salaan Caato uusan kala saarin dadka xiran waxa ay yihiin, hadana wuxuu ku gaabsaday inuu socdo Baaritaanka oo loo ogol yahay kaliya intaasi inuu sheego.

C/salaan Caato ayaa xaqiijiyay inay yaraadeen Duulimaadyadii imaan jiray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, sababtana ay tahay Dowladda Somaliya oo weli wada baarista, islamarkaana marka la soo gaba gabeeyo si toos ah loo shaacin doono natiijada Baaritaanka.

Xukuumadda ayaa shalay ku dhawaaqday wixii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airline gudaheeda inay ahaayeen Qarax la doonaaye in dhibaato loogu geysto Bulshadii Saarneyd Diyaarada.

Ilaa hada ma jirto cid dusha loo saaray ama sheegatay masuuliyada Qaraxii Diyaaradda Daallo, inkastoo weli ay socdaan Baaritaanada oo Khuburo Ajaanib ah iyo kuwa Somali ah ay wadaan Baarista.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.