Daawo: Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiir Qaloocow oo Kismaayo u jooga Hawlo Shaqo.

kismayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose waxaa ku sugan maalintii labaad wafdi uu hoggaaminaayo wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow.

Wasiir ku xigeenka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa waxa uu ku saleesan yahay iyo maalmaha ay joogi doonaan magaalada.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in magaalada ay u yimaadeen siddii qorshe qaran ay ula meel dhigi lahaayeen dowlad gobaleedka Jubbland.

Wasiir kuxigeenka qorsheynta ayaa sidoo kale sheegay maadama markii horre dalka uu ka hiray nidaam haal meel laga xukumo in arrintaas la baddelo maadama la qaatay nidaamka fedaraalka kaasoo ku saleesan in maamul kasta oo dhisan loo madax baneeyo waxa uu doonayo.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijkan oo kale ay ka soo qabteen Puntland isla markaana la geen doono maamullada kale sidda Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Hoos Ka daawo Muuqaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.