TOP News: Waxbadan ka ogow qaabkii uu u fahsilmay Weerarkii Itoobiya iyo Raaskaambooni ay ku qaadeen Buula Guduud.

Wararka aan manta ka helay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegaysa in Ciidamadii Ethiopia ee maalintii shalay duqaymaha ka gaysta deeganada shabca Asharaaf ee duleedka Magaalada Kismaayo ay dib oogu laabteen Saldhigii ay markii hore ka duulaan tageen Kadib Markii Saraakiisha Ciidamada Soomaalida ee Kismaayo iyo kuwa DOwladda Ethiopia ay isku afgaran waayeen nidaamka loo duulaan tagayo.
Xog hoose oo aan ka helay Magaalada Kismaayo ayna noo xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa tibaaxaysa in Mas’uuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo Axmed Madoobe oo xiligaas Kismaayo joogay in ay dajiyeen qaabka uu u dhacayo weerarka lagu qaadayo Magaalada Buulo-guduud,waxaana shaxdan aqbalay markii hore e Ciidamada Ethiopia.
Axmed Madoobe oo xiliga Weerarka iyo duqaymuhu dhacayeen ka soo dhoofay Magaalada Kismaayo,ayaa Magaalada Nairobi loogu sheegay in Ciidamadii ay dib oogu soo laabteen saldhigoodii Magaalada Kismaayo halka Ciidamadii Jubbaland ay joogi waayeen goobihii Al-Shabaab laga Saaray.
Arintan ayaa dhabar jab ku noqtay taladii Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ay kagag fogaynayeen Cadowga Al-Shabaab ee Weerarka ku aha gudaha Magaalada,Waxayna Saraakiisha Ethiopia sheegeen in ayna dib oogu laaban doonin deegaankii ay shalay gaadheen.
Magaalada Kismaayo gudaheeda Waxaa ka jira tashiyo iyo dhaqaaqa ay samaynayaan Saraakisha Ciidamada Jubbaland,waxayna taas tilmaan u tahay in uu guuldareystay hawlgalkii rajada wayn laga qabay ee Axmed Madoobe uu sheegay in ay Jilib Ciidamadu gaadhi doonaan,maalmaha fooda nagu soo haya..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.