TOP Dhageyso: Wararkii Ugu dambeeyey ee Qarixii lala eegtay Gudoomiye Kuxigeenka G/Gedo.

bardhere

Maamulka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay qarax ka dhacay degmadaasi oo sababay dhaawaca gudoomiye ku xigeenka Gedo iyo askar ilaaladiisa kamid aheyd.
Qaraxa ayaa wuxuu ku xirnaa gaariga uu la socday gudoomiye kuxigeenka Gedo Sheikh Maxamed Xuseen Al-qaadi, wuxuuna dhacay qaraxa dhacay xili uu marayay xaafad kamid ah degmada Baardheere.
Cadow Nuur Xasan gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa Idaacada Risaala u xaqiijiyay in gudoomiye ku xigeenka Gedo uu ku dhaawacmay qaraxa, balse dhaawaciisa uu sahlan yahay.
Sidoo kale qaraxa kadib ayuu sheegay gudoomiyaha in ciidamada ay baaritaan ka sameeyeen xaafadaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Halka gaariga qaraxa looga soo xiray ayuu sheegay iney ku raadjoogaan, waxaana baaritaanada ka qeyb qaadanaya ciidamada AMISOM ee kusugan degmada Baardheere sida uu sheegay gudoomiye Cadow Nuur.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Degmada Baardheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.