Guddoomiye Jawaari Oo Qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud Ee QM U Qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta xafiiska ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha barakacayaasha Dr Walter Kaelin.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ayaa waxaa wehliyey kaaliyaha xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha barakacayasha Dr Walter Kaelin ku xigeenka ergeyga xoghayaha guud ee arrimaha Soomaaliya Peter de Clerc iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR.

Intii uu kulanka socday waxaa looga wada hadlay sidii loo taageeri lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo in fursado shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed taasi oo ah xalka ugu wanaagsan ee ka gudbidda dhibaatooyinka heysta dhalinyarada waxaana saraakiisha ka socotay QM dhankooda ay ballan qaadeen iney hirgelin doonaan waxyaabihii kulanka looga wada hadlay.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa uga mahad celiyey hay’adaha QM taageerrada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

1 2 3 4

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.