War degdeg ah : Shir Iminka Muqdisho uga socda Siyaasiyiin, Xildhibaano yio Waxgarad kasoo Jeeda Beesha Sade oo hada ka soconaya Muqdisho.

Iyadoo uu Maanta Qorshuhu ahaa in SIyaasiyiin, Xildhibaano iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Sade ay gaaraan Magaalada Kismaayo, si ay uga qeybgalaan Shirka Nabadeyta Beelaha SADE iyo Absame ayaa qorshihii safarkooda uu dib u dhacay.

Siyaasiyiitii lagu waday in ay Kismaayo aadaan Maanta waxa akamid ahaa Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga Korneyl Barre Hiiraale, Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, Siyaasiga Cali Madoobe, SIyaasiga Cabdiwaaxid Goonjooex, Hogaamiyaha Alhulusunna Sheekh Awlibaax, Maxamuud Sayid aadan iyo Gudoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Masuuliyinitani ayaa maanta ka baaqsaday Safar ay kismaayo ku aadi lahaayeen, Taas badalkeeda ayuu iminka Shir uga socdaa Hotel kamid ah Hotelada Muqdisho.

SHirka ayaa looga hadlayaa ajandayaasha saxda ah ee lala tagi doono Gogosha kismaayo ka fidsan, waxaana lagu wadaa in qeybaha dambe ee kulanka uu kusoo biiro Wasiirka Gaashaandhigga Janaraal Cabdiqaadir SHeekh Cali Diini.

tobanka Bishani ayuu qorshuhu yahay in uu shrikaasi si rasmi ah uga furmo Magaalada Kismayo, iyado oay shir gudoomin doonaan Hogaamiyaha Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo matalaya Beesha Absame iyo Wasiir Gaashaandhigga  Sareeye Gaas Cabdiqaaidr SHeekh Cali Diini.

Wixii kusoo kordha kulanka hadda kasocda Muqdisho kala soco Wararkeena Dambe Insha allah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.