XOG: Alshabaab oo ka hadlay Lawareegitaankoodii Marka Cadeey, Awaamiirne Soo saaray.

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen la wareegitaanka Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose oo saddex sano kadib gacanta Shabaabka dib u soo gashay, kadib markii ciidamada Amisom ee duleedka Magaaladaasi Fariisimaha ku lahaa halkaasi ay isaga baxeen, Shabaabna ay u fududaatay inay qabsadaan Magaalada Marka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ee Shabaabka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo Boqolaal dadka reer Marka ah kula hadlaayay Fagaare ku yaallo Magaaladaasi, ayaa sheegay in Magaalada Marka ay gashay Isbedel cusub oo ku aadan Maamulkii Magaalada Marka.

Abuu Cabdalla, waxa uu sheegay in hada kadib ay dhamaatay dhageysiga Heesaha, Dagaaladii Qabiilka iyo Isbaarooyinkii la dhigan jiray duleedyada Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

“Allaahu Akbar Allaahu Akbar sedax sano kadib Magaaladiina Marka waxay ka xurowday ciidankii saliibiyiinta..maanta laga bilaabao xaaladu caadi ayay kusoo laabanaysaa Dagaal Qabiil Waa Dhammaaday Muusik Waa Dhammaaday Nolol Cusub ayaa u Bilaabatay Reer Marko.”ayuu yiri Abuu Cabdalla.

Durba Magaalada Marka waxaa ka bilaabatay isbedel ku aadan dhaqanka Magaalada dadka jooga oo haweenka waxa ay xiranayaan Xijaabo iyo Dharkii horay ay Shabaabka ugu amreen.

Ciidamada Shabaab ayaa lagu dhex arkayaa Magaalada gudaheeda iyaga oo lugeynaya, amarada cusubna dadka ku wargelinaayo, inkastoo ay jirto cabsi badan oo ay qabaan Bulshada reer Marka.

Magaalada Marka oo muhiim u aheyd Dowladda Somaliya, ayaa si fudud gacanta Shabaab ugu gashay, taasi oo muujinaysa in awooda Shabaabka dib u soo noolaanayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.