Nairobi: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu XUkumay Xukunno kala duwan.

kenya

Dowladda Kenya ayaa xukun waxa ay ku riday Afar Muwaadin oo Somaliyed, kuwaasi oo doonaayay inay Diyaarad ka raacaan Magaalada Mandheera, xilli ay ku sii jeedeen Magaalada Nairobi.

Afarta muwaadin oo udhashay Somaliya ayaa lagu xukumay ganaax dhan 5.5 milyan oo lacagta Kenya ah ama 10 sano oo xarig ah, kadib markii sida la sheegay ay dalka Kenya si sharci darro ah ku joogeen isla mar ahaantaana ay haysteen fiisooyiin qaab sharci darro ah lagu qaatay.

Booliska Keya ayaa Axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mandheera ka qabtay Afartaan ruux ee la xukumay, waxaana ay kala yihiin labo hablo ah iyo labo rag ah.

Waxaa lagu qabtay oo ay wateen Baasaboor Somali ah oo ay saaran yihiin Fiisooyin Kenyan ah, oo Booliska ay sheegeen inay ahaayeen kuwa aanan sharci aheyn Fiisooyinkaasi.

Boolisku waxay sheegeen in dadkan markii la su’aalay qaabkii ay ku heleen fiisooyinka ay ka jawaabi waayeen waxaana laga soo xigtay inay sheegeen in lagu siray oo loo sheegay in Nairobi ay ku tagi doonaan.

Muwaadiniintan ayaa la sheegay inay qirteen labada dambi oo loo haysto oo kala ah in marka hore dalka Kenya sharci daro ku joogeen iyo marka xigta ah oo ah in si sharci daro ah ku qaateen viisooyin.

Magacyada afarta ruux ayaa lagu kala sheegay Sakiriye Cabdulaahi Axmed,Cabdiqaadir Shariif Cabdinuur,Ubax Cabdiraxmaan Xasan iyo Faadumo Canshuur Maxamed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.