TOP News: Itoobiya iyo Raaskaambooni oo ku Guuldareystay in ay Qabsadaan Buula Guduud iyo Yoontooy.

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, ciidamada Amisom iyo kuwa Jubbaland ayaa dib ugu laabtay Jaamacada Kismaayo, kadib markii shalay halkaasi ay ka qaadeen dagaal abaabulan.

Dagaalka ayaa ciidanka waxa ay ku qaadeen Deeganada Yoontooy iyo Buulo gaduud oo ciidamada Shabaabka ay gacanta ku hayaan, hayeeshe ciidamada Huwanta ayaa u suurageli weyday in dagaalkaasi ay natiijo ka keenaan.

Dagaalka oo ahaa mid culus oo labada dhinac hub kala duwan ay isku weydaarsadeen, ayaa ugu dambeyn waxa uu sababay in ciidamadii Jubbaland iyo kuwa Amisom ay horay ugu dhaqaaqi waayaan deeganada ay weerareen.

Shabaabka oo wata gaadiid dagaal oo badan iyo ciidamo ayaa ku fara adeegay inay difaacdaan deeganada Buulo gaduud iyo Yoontooy, taasi oo keentay in ciidamada Huwanta uu fashilmo qorshihii ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Buulo gaduud iyo Yoontooy.

Xaalada Deeganadii shalay lagu dagaalamay ayaa degan, waxaana deeganada Buulo gaduud iyo Yoontooy maamulaya Ururka Shabaab oo gacanta ku haya.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland weli kama aysan hadlin howlgalkaan fashilmay ee ciidamada ay ku doonayeen inay qabsadaan deeganaadaasi, waxaana ciidamada ay dib ugu soo laabteen shalay galab Xerada Jaamacada Kismaayo oo markii hore ay ka baxeen.

Waa Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay qaadaan tan iyo markii ciidamada Itoobiya ay gaareen Magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.