Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Suudaan oo hishiis ku kala saxiixday Khartoum

Xogahaya joogtada Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Cali bin Cali iyo dhigiisa Dalka Sudan ayaa Maanta Saxiixay Heshiis is afgarad ah oo dhex mari doona labada wasaaradood ee Sudan iyo Soomaaliya,

Heshiiska oo ay goob joog ka ahaayeen diplumaasiyiin Labada Dowladood ka socday ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee Sudan,

Xogahayaha ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Heshiiskaan uu yahay mid waxbadan kusoo kordhin doona Xiriirka soo jireenka ee labada dowladood.

Sidoo kale Wafdiga ayaa Booqasho kutagay Xarunta Safaarada Soomaaliyeed ee Sudan islamarkaana kulan la yeeshay Diplumaasiyiinta ka shaqeysa safaarada,

Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah uqaybsanaha Warfaafinta Safaarada  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Masuuliyiinta Booqashadooda Safaarada aheyd sidii ay ugu Kuur gali lahaayeen Xaalada iyo shaqada ka jirta Safaarada.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.