Dhageyso: Dad Dano Gaar ah Wato Ayaa Ka Danbeyay Rabshadihii Bosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in aysan u dulqaadan doonin Dad uu ku tilmaamay in ay qalqal siyaasadeed ka wadaan Degaanada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa waxuu carabka ku dhuftay in aysan gorgirtan ka gali doonin amaanka Degaanada Maamulkiisa waxuuna tilmaamay in ay ka hortagi doonaan Kooxo uu ku sheegay in ay xasilooni darro ka wadaan Deganaadasi.

Mr. Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dhinaca kale waxuu xusay in weli ay ku adkeysanayaan mowqiskooda ku aadan in Degaan wax lagu soo xulo islamarkaana meesha laga saaro 4.5 oo dhawaan ay go’aamiyeen Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayee aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu qaadacay qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdish

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.