Kenya oo Sii Deysay Gaadidkii Gurmadka ee G, Gedo

Hay’adda Cunnada Aduunka (WFP)  ayaa shaaca ka qaaday Dowladda Kenya in ay u ogolaatay Gaadiidkeeda dhawaan lagu hakiyay Magaalada Mandheera ay galaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Gobolka ee Hay’adda WFP, Challiss Macdonough ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Dalka Kenya ay xayiyaad saareen Gaadiidkood oo sada Cunno gargaar kadib markii ay ugu shakiyeen in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Wuxuu Challis sidoo kale qeexay in haatan ay u dhaqaaqeeen Degaano ku yaala Magaalada Dooloow oo ku sheegay in ay ku sugan yihiin qoysas badan oo u baahan in lala gaaro gargaar bini’aadannimo.

Guddoomiyaha Degamada Mandheere, ayaa talaadadii la soo dhaafay waxuu sheegay in Gaadiidkaasi ay uga shakiyeen in cunnadaasi ay u gaayeen Xarakada Al Shabaab eek u sugan Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Hay’adda WFP ayaa sheegtay in gargaaraasi bini’aadannimo ay u wadaan Degaano hoostaga Magaalada Dooloow oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga afrika ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.