Dhageyso:Axmed Madobe: Gedo Xasuuq Kama Dhicin

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn aysan kala dhaxeyn Maamulkiisa iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sii hadlayay ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in ay uga fadhiyeen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay sababta keentay arintaasi ku aadan wada shaqeyn la’aanta islamarkaana uu u cadeeyo.

Geesta kale, Axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa waxuu beeniyay in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay duqeymo ka fuliyeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ku noolyihiin Dad Shacab ah, isagoona meesha ka saaray in Shacaba lagu laayay halkaasi.

Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxuu imaanayaa Xili ay Shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ay kulan ku wada qaateen isaga iyo Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Halkaan Ka dhageyso:

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.