Dhageyso: Maxay Ciidamada Dowlada oga Baxeen Marko.

Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga Dowladda Soomaaliya ay ka baxeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Ilo wareedyo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya ujeedada Ciidamada Booliska ay uga baxeen Magaalada Marka in ay tahay mushaar la’aan oo ay ka cabanayaan.

Dhinaca kale, Ciidamada Militariga ee Dowladda ayaa iyana ka baxay Magaaladaasi, una jiheestay Magaalada Baraawe kadib markii amar uu ka soo baxay sida la sheegay Wasaarada Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya.

Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo Maleeshiyaad kale oo hubeysan.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.