Degdeg: Kenya oo isaga baxday Tuulooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Gedo ayey Maanta isaga baxeen Ciidamada Kenya, kuwaas oo u ruqaansaday dhinaca xuduuda ay lawadaagto Gobolka Gedo.

Deegaanada Maanta ay kenyanka ka baxeen waxaa kamid ah tuulooyinka, qadiija Xaaji,gadoondhawe, cumarow Iyo tuulooyin kale Ayaa lasoo warinayaa in ay ka baxeen kuwaas oo u ruqaansaday dhinaca xuduuda.

Kabixitaankooda tuulooyinkani Ayaa imaanaya Maalmo kadib markii ay isaga baxeen tuulooyin kale oo hoos yimaada Degmada baardheere ee Gobolka Gedo,

Kenya oo jab xoogan uu kasoo gaaray Gobolka Gedo kadib markii Shabaab ay ku xasuuqeen Deegaanka ceelcade Ayaa hada Gobolka si tartiib tartiib ah dib uga guraneysa lamana oga in ay ka wada bixi doonto Guud ahaan Dalka Iyo in kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.