Axmed Madoobe: Dhawan waxaan bilaabeynaa Hawlgalkii Xoreynta Nawaaxiga Jubba.

Madaxweynaha maamulka Jubba Land Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, ayaa sheegay iney isku diyaariyeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab,wuxuu sheegay iney weerar ku yihiin deegaanada iyo degmooyinka gobolada Jubbooyinka.

Madaxweynaha maamulka Jubba Land ayaa sheegay in qorshahan mudo badan ay soo wadeen,isla markaana maalmaha soo aaddan la qaadi doonaan talaabooyinka Al-shabaab looga saarayo deegaanada Jubbooyinka ee ay hadda ku sugan yihiin.

“Waxaanu dhawaan qaadaynaa howl-galladii Wabiga Jubba, ciidamadeennu waa diyaarsan yihiin, qorshahanna muddo fog ayaa lasoo dajinayay,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.

Sidoo kale,Axmed Max’ed Islaam “Axmed Madoobe”,ayaa tilmaamay in dagaalka Shabaab u kaashanayaan ciidamada Midowga Africa AMISOM oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka,balse wuxuu tilmaamay in isku tashan doonaan ciidan ahaan.

Ugu danbeyntii,ururka Al-shabaab ayaa gacanta ku hayo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,waxaana hada socda qorshe looga saarayo deegaanada ay heystaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.