Washington: Qarixii Diyaaradda Daallo waxaan tuhunsanahay in ay fuliyeen Alshabaab.

Inkastoo ilaa hada si rasmi ah aanan loo ogeyn waxa ay ahaayeen jugtii ka dhex dhacday Diyaaradda Daallo Airline gudaheeda, xilli Duulimaad dhanka hawada ah ay ku jirtay Maalintii Tallaadada, ayaa Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka waxa ay tuhmayaan in Shabaab ay ka dambeeyeen wixii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalka Mareykanka, ayaa sheegay inay suuragal tahay Al Shabaab inay fuliyeen qorshe sidii loo rabay aanan u dhaqangelin, islamarkaana u muuqda mid fashilmay.

Khubarada Mareykanka oo la hadlay Reuters waxaa ay sheegeen in Qaraxa ka dhex dhacay Diyaaradda uu noqon karo Dhalo uu ku jirya Maaddada Ogsijiinta,laakiin xitaa haddii ay tahay maaddadaasi aysan dhinaca diyaaradda doloolin Karin.

Saraakiil ka tirsan CIA Mareykanka ayaa sheegay waxa ka dhex dhacay Diyaarada gudaheeda inay u badan tahay maadadada loo yaqaan TNT oo aanan sababin Khasaare badan.

Dadkii rakaabka ee saarnaa Diyaaradda Daallo Airline, ayaa ilaa hada garn la’ waxa Diyaarada ka dhex dhacay waxa ay ahaayeen inkastoo ay sheegayaan inay ula muuqdeen Qarax, marka loo eego Jugta dhawaqeeda.

Vodopivec, oo 64 Jir u dhashay Dalka Serbia ayaa u sheegay TV-ga CNN ee Dalka Mareykanka in waxa Diyaaradda ka dhacay ay isaga ula muuqdeen Qarax,markii uu dhawaqo yeerayna uu go’aansaday in Diyaaradda uu dib ugu celiyo garoonka Aadan Cadde oo ay ka kacday 15 Daqiiqo ka hor inta aysan jugtu dhicin.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaanan ku badneyn Somaliya oo ah dal ammaankiisa aanan wanaagsaneyn, hadana Shilalka u muuqda Qaraxyada ee Diyaaradaha laga geysto Somaliya kuma badna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.