Boosaaso : Ganacsade ku hayb ah Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso lagu dilay. “Faafaahin”

Dabley hubeysan, ayaa waxay caawa Magaalada Boosaaso ku dishay nin ganacsade ahaa, kaasoo sida la soo sheegaayo ku heyb ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Waxay wararku sheegayaan in dableydu ay ninkaasi ku dishay Karama Hotel Bosaso. Warar kalana waxay sheegayaan in ninkaasi lagu dilay Xarunta Hubaal, oo ahayd goobtiisii ganacsi, waxayna dilka dib isaga carareen halkaasi, oo daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidanka Booliska Boosaaso.

Ciidanka Booliska, ayaa waxay billaabeen hawlgalo ay ku baadigoobayaan dembiilayaasha, waxaana si rasmi ah weli loo garanayn waxa uu salka ku haayo dilka ganacsadaha.

Ganacsadaha, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xersi Aadan (Xersi Adduunyo), waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada degan Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Dilka ganacsaduhu wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo Magaalada Boosaaso ay ka soconayaan dadaalo lagu doonaayo in la’isugu soo dhaweeyo Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyihii hore Gobolka Bari, C/samad Maxamed Gallan.

Isniintii, ayay ahayd markii rabshado uu dhiig ku daatay ay gilgileen Xarunta Gobolka Bari. Rabshadaha ayaa ka dhashay bannaanbax ay dhigayeen dad sida la sheegay ka cabanaaya cadaalad darro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.