Degdeg: Ciidankii Kenya ee Ku sugnaa Baardheere oo Goordhaweyd ka guuray Fariisimihii ay Degmadaasi kula haayeen.

War iminka naga soo gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo aya sheegaya in goordhaweyd ay Degmadaasi isaga baxeen Ciidankii Kenya ee ku sugnaa Halkaasi bilihi ilasoo dhaafay.

Kenyanka ayaa isaga guuray Baardheere kadib sida ay sheegeen markii uu amar kasoo baxay dowladooda kaasi oo sheegaya in ay kasoo baxaan degmadaasi.

Fariisimihii ay baneeyeen ayaan la ogeyn in ay buuxin doonaan saraakiisha itoobiya iyo inkale  waxaase iminka haawanaya xarumihii ay kaga sugnaayeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

waxay u ruqaansadeen dhinaca degmada Ceelwaaq iyagoo sii mari doona ciidamadooda ku sugan inta u dhaxeysa ceelwaaq iyo baardheere sida deegaanada Faafaxdhuun, tarako iyo Buusaar, kuwaas oo horay usi iraaci doona ciidanka kenya sida uu qorshuhu yahay.

Isgaarsiinta baardheere ayaa hawada ka maqan sababo la xiriira in aan sifiican loola socon dhaqdhaqaaqooda kabixitaanka ee Gudaha Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha kala soco Wararkeena Dambe Insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.