TOP News: Maamulka Baardheere oo ka warbixiyay Hawlgallo ay Amniga ku sugayeen oo Maalmihii lasoo dhaafay ay kawadeen Gudaha Degmadaasi.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada baardheere ee Gobolka Gedo Ayaa ka warbixiyay Xaaladaha amni ee degmadaasi Iyo Hawlgallo maalmihii lasoo dhaafay aaday kawadeen Gudaha Degmada baardheere ee Gobolka Gedo.

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Degmada baardheere Ismaaciil Sheekh cabdi qorrax kuufi oo la hadlayay mid kamid ah warbaahinta Muqdisho Ayaa u sheegay in Hawlgallo ay ku sagayeen Amniga Degmada ay maalmihii lasoo dhafay ka saameeyeen Degmada baardheere kuwaas oo ay Kusoo qaab qabteen tiro dad ah oo uu Xusay in ay baaritaano ku wadaan.

“Amniga Degmada waa suganyihiin maalmihii lasoo dhaafayne baaritaano ayaan wadnay waxaad ogtahay in dhawaan dableey eey dhaawaceen gudoomiyihii Maxkamada Marka Hawlgallo aan uga gol laheyn xaqiijinta Amniga Iyo sooqabashada shaqsiyaad loo maleynaayo in ay ka danbeeyeen dhaawaca Gudoomiyaha ayaan wadnay tiro dad ahaana kiiskaas u xirxiran waline baaritaanka waa wadnaa” ayuu Yiri Ismaaciil kuufi oo warbaahinta la hadlayay.

Sikastaba maalmihii lasoo dhaafay ayey Ciidamada Amaanka ee baardheere waxay saameeyeen hawgalo ay ku xirxireen boqolaal qofood inkastoo badankood lasii daayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.