Baarlamaanka Soomaaliya oo Meelmariyay Hindise Sharciyeedka qaxootiga.

Kulanka maanta xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho oo uu shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu dambayn lagu meel mariyay sharciga qoxootiga iyo barakacayaasha qaranka kaas oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulanka oo maanta ay soo xaadireen 156 mudane oo barlamaanka ka tirsan ayaa waxaa sharcigaan ogolaaday 155 mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane, mana jirin cid kale oo ka soo hor jeeday, waxana sidaasi ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka mudane Jeylaani nuur Iikar.

Shircigaan qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka ee ay maanta meel mariyeen xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo maray marxaalado kala duwan, iyadoo bishii December ee sanadkii 2013 kii loo soo gudbiyay xubnaha barlamanka, waxaana la marsiiyay akhrinta Koowaad, labaad iyo sadaxaad, ugu dambeynta maanta ayeey meel mariyeen xubnaha barlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale xildhibaanada barlamaanka ayaa isla maanta guda galay sharciga maareynta kaalmaha shidaalka dalka kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka Macdanta iyo Batrool oo mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiimadd weyn u leeyahay maareynta Kaalmaha Shidaalka dalka iyo sidii sharciga loo waafajin lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.