Dhageyso: Warar Dheeri ah oo Ka So Baxayo Werarkii Madaaficda

Cunug dadiisa kayartahay 6 sano ayaa kudhintay 8 kalanawaa ay kudhaawacmen kadib tiro madaafiic ah  oo ku hoobatay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa siyaabo kala duwan ugu dhacay Guryo dad shacab ah ay deganyihiin.

Qof deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in waqtiga Quraacda ay kugudajireen ay mar qura tiro madaafiic ah ku soo dhaceen guryo hareera hood akuyaalla.

Kooxda gaadiidka gurmadka degdega ayaa dhankooda sheegay in tiro dad dhaawacyo kaladuwan ay kasoo gaareen madaafiicdaas ay u qaadeen isbitaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta maamulka degmadaWardhiigleey ayaa iyagusheegay in dadka wax kunoqday duqeymaha dhammaan ay ahaayeen shacab.

Ma jirto weli cid sheegatay duqeymahaas walow looga bartay weeraro kuwaasoo kale Al Shabaab.

Halkaan Ka dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.