Baardheere : Boqolaal Qofood Oo lagu Xirxiray Gudaha Degmadaasi oo Wali Xabsiyada ka Buuxa.

Kadib markii Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, habeen hore lagu dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamada Degmada Baardheere, ayaa howlgalo shalay ay bilaabeen ciidamada Dowladda waxa ay ku xir xireen ku dhawaad 100 ruux.

Dadkaan ayaa la geeyay Saldhiga Degmada Baardheere iyo xarumo kale oo ciidamada ay ku leeyihiin Magaaladaasi, waxaana ku socoto baaritaanka ku aadan inay ku lug leeyihiin falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Magaalada ka dhaca.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Baardheere ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada ay wadaan Baaritaanka dadkaasi oo cidii aanan dambi laheyn la sii daynaayo.

Dadka la soo xiray ayaa badankooda waxa ay yihiin Dhalinyaro looga shakiyay inay xiriir dhaw la leeyihiin Shabaabkii laga saaray Degmada Baardheere.

Inkastoo aanan la kala saari karin dhalinyarada Shabaabka la shaqeysa iyo kuwa aanan la shaqeyn, ayaa hadana Saraakiisha waxa ay sheegeen inay ku kala saarayaan Baaritaanka ay wadaan.

Magaalada Baardheere ayaa sanadkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom waxa ay ka saareen Shabaab oo 7 sano maamulaayay magaaladaasi.

Shabaabka hada kama foga Magaalada Baardheere oo waxa ay ku sugan yihiin tuulooyinka ugu dhaw dhaw Magaalada marka laga baxo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.