TOP News; Kenya oo la dagaalanka Alshabaab Dartii usoo iibsatay gaadiid Badan oo aan Xabadu Karin.”Tiraa gaadiidka”

Dowladda Kenya, ayaa waxa ay soo iibsatay 30 gaadiidka dagaalka ah, kuwaasi oo aysan rasaasta karin, si ciidamada ay ugu dagaalamaan Shabaabka laf dhuun gashay u noqday ciidamada Kenya.

Gaadiidkaan dagaalka ah ayaa waxaa loo qaybin doonaa ciidamada Booliska Kenya, gaar ahaan deeganada ugu badan ee Shabaabka weerarada joogtada ah ay ka geystaan.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa u ballan qaaday ciidanka Booliska Kenya in markii ugu horreysay la siin doono gaadiid dagaal si ay u sugaan amnigooda iyo kan shacabka Kenyaanka ah.

30 gaadiid ayaa Todobaadkii hore waxaa laga soo dejiyay Dekada Magaalada Mombasa, waxaana la soo gaarsiiyay magaalada Nairobi, goob amnigeeda si weyn loo adkeeyay.

Kenyatta ayaa sheegay in Kenya aysan waligeed ku tiirsanaan karin kaliya Milatariga iyo Hay’adaha kale ee AMNIGA balse loo baahan yahay in la hubeeyo Booliska.

Taliyaha Ciidamada Booliska dalka Kenya iyo Saraakiisha dhanka ammaanka, ayaa maanta ku kulmaya Magaalada Nairobi si ay uga wada xaajoodaan arimaha ku aadan la dagaalanka Shababka.

Afhayeenka Booliska Kenya, Charles Owino, ayaa ka gaabsaday in uu xaqiijiyo kulanka madaxda ugu sarreysa Ciidanka Kenya ay maanta ku yeelanayaan Xarunta Ciidanka Booliska Kenya ee Buaraka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.