Degdeg Baardheere : Hawlgallo lagu sugaayo Amniga oo Gudaha Degmadaasi Iminka ka socda.

Hawlgalo lagu xaqiijinaayo Amniga deegaanada hoosyimaada Degmada baardheere Iyo Gudaha degmaadaasi Ayaa Maanta ay ciidama Amniga kawadaan Degmada baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaayo baardheere Ayaa sheegaya in laamaha Amaanka ee degmadaasi ay hawlgalo kawadaan Degmada baardheere Iyo deegaanada ku xeeran.

Hawlgaladani Ayaa looga goleeyahay xaqiijinta Amniga degmadaasi Iyo deegaanada ku xeeran, xilli xalay dableey ka tirsan alshabaab ay Gudaha degmadaasi ku dhaawaceen gudoomiyihii Maxkamadda Degmada baardheere Sheekh. Ibrahim Daahir Shacbaan.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha Amaanka ee baardheere Ayaa sheegay in ay ku raadjogoaan Cidii dhaawaca u geysatay Gudoomiyaha Degmada baardheere ee Gobolka Gedo Sheekh Ibrahim Shacbaan.

Sikastaba wax jira qorshe Guud oo la doonaayo in alshabaab looga sifeeyo deegaanada ay kaga suganyihiin gobolweynaha Gedo, xilli Maamulka heer Iyo Gobol Iyo mid degmo ee Gobolkaasi, ay wacad ku mareen in Shabaab si degdeg ah looga xoreyn doono Degmooyinka Iyo deegaanada goolkaasi Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.