TOP News: Qoysas horay uga Barakacay Deegaanka Ceelcade oo Maanta Halkaasi dib ugu laabtay.

Qoysas kii ugu badanaa ee kabarakacay Deegaanka ceelcade ee Gobolka Gedo Ayaa Maanta dib ugu laabtay Deegaankaasi kadib laba usbuuc oo ay dibad jiif ka ahaayeen guryahoodii.

Qoysaskani uu u Barakacay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo Iyo Degmooyinka Gobolka Qaarkood Ayaa Maanta halkaasi dib ugu laabtay kadib markii ay ciidanka Kenya oo duqeyn ka waday deegaanada ku xeeran ceelcade ay isaga baxeen aagaasi iyagoo dib ugu laabtay xuduudii ay awal kasoo talaabeen.

Alshabaab oo Deegaanka ceelcade gacanta ku haya Ayaa Shacabka wali ka maqan degaankooda ugu baaqay in ay guryahoodii dib ugu soo laabteen iyagoo sheegay in deegaanada ceelcade ku xeeran amnigooda hada la Isku haleyn karo.

Si kastaba Qaar horleh oo kamid ah dadka Deegaanka Ayaa wali guryahooda ka maqan inkastoo tiradii ugu badneyd ay hadda gurhooda dib ugu laabteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.